DHACADOOYINThis is a featured page

dhacdooyinka - bilkhayr internet and service

dhacdooyinka - bilkhayr internet and servicedhacadadii ugu layaabka badnayd ee kadhacada somaliland waxay ahayd markii libaax uu lahaa wasiirka arimaha duulista iyo hawada mudane ina waran cade ayaa habeenkii uu jimcuhu soo galayey ku cunay inan yaroo dadeedu ay tahay24jir lana odhan jiray hinda xasan boodhle
hadaba dhacdadan oo ahayd mid dadka somaliland ka argagax galisay ayaa ku-keentay dadka somaliland inay habeenadaa bixi waayaan
hadaba halgankii loogalay in lugu qabto ayaa suuro galiyey in ladilo ugu danbaytii

dhacdooyinka - bilkhayr internet and service
dhacdooyinka - bilkhayr internet and service

dhacdooyinka - bilkhayr internet and servicedhacdooyinka - bilkhayr internet and servicedhacdooyinka - bilkhayr internet and servicedhacdooyinka - bilkhayr internet and servicedhacdooyinka - bilkhayr internet and servicedhacdooyinka - bilkhayr internet and servicedhacdooyinka - bilkhayr internet and servicedhacdooyinka - bilkhayr internet and servicedhacdooyinka - bilkhayr internet and servicedhacdooyinka - bilkhayr internet and servicedhacdooyinka - bilkhayr internet and servicedhacdooyinka - bilkhayr internet and servicedhacdooyinka - bilkhayr internet and servicedhacdooyinka - bilkhayr internet and servicedhacdooyinka - bilkhayr internet and servicedhacdooyinka - bilkhayr internet and servicedhacdooyinka - bilkhayr internet and servicedhacdooyinka - bilkhayr internet and servicedhacdooyinka - bilkhayr internet and servicedhacdooyinka - bilkhayr internet and servicedhacdooyinka - bilkhayr internet and servicedhacdooyinka - bilkhayr internet and servicedhacdooyinka - bilkhayr internet and service

waraabe inat qoorta laga jaray ladhigaya xaafada kamida xaafdaha hargaysa

dhacdooyinka - bilkhayr internet and service

Hargeysa(bilkhayr)- Waraabe inta la bireeyay qoortana laga jaray, ayaa habeen hore la dhigay dhaadhaca Oktoobar ee dhinaca Koonfureed, ee Degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.
Waraabahaas oo aan ilaa hadda la garanayn cidda halkaas dhigtay iyo sababta loo dhigay toona, waxa ay dadka xaafadaasi arkeen arooryadii hore ee shalay, markaas oo ay dadku ku foofayeen arrimahooda kala duwan. Saxafiyiin ka tirsan bilkhayr oo barqadii shalay tagay goobta la dhigay waraabaha oo ahayd wadiiqo yar oo dhinaca galbeed ka xigta jidka laamayga ah ee Oktoobar, ayaa indhahooda ku soo arkay waraabahaas oo laga jaray qoorta islamarkaana labadiisa lugood ee dambe lagaga xidhay taar lagu maroojiyay. Xilliga ay saxafiyiintaasi tageen goobta la dhigay waraabaha la gawracay, ayaa waxa goobta dhurwaagu yaalay ku urursanaa dad tiro badan oo isugu jiray dumar iyo carruur, kuwaas oo u daawasho tagay waraabaha la bireeyay ee haddana qoorta laga jaray. Dhawr dumar ah oo ka mid ah dadka xaafadaas degen ayaa saxafiyiintaas bilkhar u sheegay inaanay garanayn cid waraabaha dhigtay halkaas iyo goor la dhigay toona, “Saaka ayaanu ugu soo toosnay waraabaha oo halkan yaala. Markii hore waxaan ka naxay waraabaha la gawracay, waxase ka sii darnaa markii aan arkay waraabihii oo ay qoortii ka maqantahay, waxaana la sheegay in qoortiisii taalo meel kale oo dhinaca Siinay ah.” Sidaas waxa tidhi haweenay ka mid ahayd dadka xaafadda.... Inkasta oo ay dadku isla dhex marayeen inay jiraan waraabayaal kale oo iyagana sidan oo kale loo bireeyay lana dhigay goobo kale oo ka tirsan xaafadaha Hargeysa, haddana saxafiyiinta ka tirsan bilkhayr ee halkaas tagay waxa ay soo ogaadeen in waraabahaas oo keliyi jiray. “Waxa la leeyahay waxa iyaguna jira dhawr waraabe oo kale, laakiin maan arag. Sidaan u malaynayo xalay [Habeen hore] saqdii dhexe ayaa waraabaha halkan la soo dhigay.” Ayay tidhi haweenaydan ka tirsan dadka xaafadu.

dhacdooyinka - bilkhayr internet and service
Qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda Sabowanaag oo ka mid ah shirkadaha dawladda Hoose ee Hargeysa u igmatay ururinta xashiishka magaalada ayaa tagay goobtaas waraabaha la dhigay si ay u qaadaan. Hase yeeshe qaar ka mid ah dadweynihii xaafadaas degenaa oo u badnaa dumar iyo carruur ayaa is hortaagay in waraabaha la qaado iyaga oo shiid iyo dhagaxaan kala hortagay hawlwadeenada shirkadda Sabowanaag, “Waa fal oo falkana waa la gubaa ee ha qaadina waanu gubaynaaye.” Sidaas waxa ku dhawaaqayay dadka xaafadda degen oo isugu jiray dumar iyo carruur, sidaas ayaanay hawlwadeenadii shirkadu kaga tageen waraabihii la bireeyay oo goobtii yaala. Abaaro 2:00 duhurnimo ee shalay ayay dadka xaafadaas degeni, inta ay xadhig ku jideen waraabihii dab ku qabad siiyeen meel doox ah oo jiiddaas ka tirsan.
Dareenada Dadka
Waxa goobtaas shalay isugu soo baxay dad tiro badan oo isugu jira dhallinyaro iyo dumar, kuwaas oo faallooyin iyo aragtiyo kala duwan ka bixinayay waraabahaas la gawracay iyo cidda gawracday toona. Axmed Mahad Cali, waa wiil dhallinyaro ah oo ka mid ah dadka xaafadda degen, islamarkaana goobtaas ku sugnaa markii ay saxafiyiintu booqdeen, waxaanu isaga oo arrintaas ka hadlaya yidhi, “Waxaan u malaynayaa in qof lagu dabiibayay, waayo dadka qaar ayaa aaminsan in dhiigga waraabuhu daawo yahay.”
Cabdirisaaq Maxamed, ayaa isna yidhi, “Anigu ma qabo fikirka saaxiibkay ee ah daawo iyo waxaas oo weligay ma maqal imikama ma aaminsani, waxaanse qabaa in sababta waraabaha halkan loo keenay tahay ujeedo kale.”
Gabadh da’ yar oo iyana magaceeda ku sheegtay Xaliimo Muxumed, ayaa tidhi, “Walaal waxani waa wax kale Illaahay ayuun baana og waxa looga jeeday, mana garanayno cidda dhigtay.”
Gunaanad
Shaqaalaha shirkadda Sabowanaag ayaa gelinkii dambe ee shalay waraabihii oo la gubay ku qaaday baabuurkooda gura xashiishka, waxaanay saaka waaberigii geeyeen goobaha lagu guro xashiishka. Dhacdadan oo ah fal ku cusub magaalada Hargeysa, waxa uu shalay ahaa mawduuc ay dadku aad ugu sheekaysanayeen iyagoo isweydiinayay cidda waraabaha gawracday iyo sababta loo gawracay. Su’aalahaas oo aanay dadka reer Hargeysa u helin jawaabo rasmi ah waxa ay ka bixinayeen aragtiyo kala duwan.

bilkhayr.wetpaint.com 15/03/2008 Hargeysa
Waraabe
Hargeysa Maandeeq.com Xaafado ka mid ah magaalada Hargeysa ayaa Khamiistii markale lagu arkay meydka Waraabe inta qoorta laga jaray lagu tuuray xaafad ka mid ah magaalada dhexdeeda, taas oo dadweynaha xaafaddaas argagax iyo baqdin gelisey.
Xaafadda Cabbaaye ee Waqooyiga magaalada Hargeysa ayaa subaxnimadii hore lagu arkay Waraabe Qoorta laga jaray oo lagu tuuray Sariibad xaafaddaasi leedahay agteeda, waana markii labaad ee Waraabe noocaas oo kale ah lagu arko xaafadaha Hargeysa dhexdeeda, iyada oo Toddobaadkii horena Waraabe sidan oo kale madaxa laga jaray, lugahana xadhig ama taar kaga xidhan yahay lagu arkay xaafadda Oktoobar ee Waaxda Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.
Waraabayaashaa oo Maydkooda goor habeennimo ah la dhigo xaafadaha lagu arkay, waxay shaki, baqdin iyo argagax ku rideen dadweynaha xaafadaha Hargeysa oo isweydiinaya dhacdadan oo ah mid aan hore loo arag. Waxayna dad badani u arkaan in loo isticmaalay Waraabayaashaas Sixir. Sidaas darteedna, waxa lagu gubey Waraabayaashaas mid walba goobtii la dhigay, kadib markii dadka xaafaddu isugu soo baxeen, isla markaana ay la tashadeen culimada iyo odayaasha.
Waraabahan habeen hore lagu arkay xaafadda Cabbaaye ayaa la sheegay in isaga aan qoorta laga jarin, balse, la diley, kadibna dhegaha laga jaray, iyada oo dadka qaarkood sheegayaan in sidoo kale carabka laga jaray.
Ilaa iyo hadda lama ogaan ujeeddada ka dambaysa dilka waraabayaashaas xaafadaha dhexdooda lagu arkay iyo cidda dhigtay ama dishey midna.
Warar aan sugnayn ayaa sheegaya in hal nin loo qabtay tuhun la xidhiidha Waraabayaashaas xaafadaha dhexdooda la dhigo, iyada oo sida la sheegay ay daba joogaan culimada Wanaag-farista iyo xumaan reebista.
Sixirka ayaa si weyn loo rumaysan yahay inuu ku faafay Somaliland sanadahan dambe oo siyaalo door ah loo isticmaalo. Hase yeeshee, ma jiro wax xeer ah ama Sharci ah oo loo dejiyey ama ka yaalla dunuubta lagu galo adeegsiga sixirka.

Diyaariye:wariye samiiri xuseen daahir
Email:ilac02@hotmail.com

xamse
xamse
Latest page update: made by xamse , Jun 5 2008, 4:06 AM EDT (about this update About This Update xamse Rename - xamse

No content added or deleted.

- complete history)
Keyword tags: None
More Info: links to this page
There are no threads for this page.  Be the first to start a new thread.