HEESO QORAAL AHThis is a featured page

kusoo dhawaada bogga heesaha goraalka ah ee webkan bilkhar

INANYAHAY


Inanyahay gob baad tahay
Gob gobi dhashaad tahay
Gacal iyo xul baad tahayee
Haween gola istaagoo
Heybad gaar ahaaneed
Guulaheenu siiyoo
Loo geed fadhiistoo
Gudi ay ku kulantoo
Gola laysku siiyoo
La gudoontay baad tahay

Gaari dhaban leh baad tahay
Xilo geesi baad tahay
Inan aroos laguu gamgaamiyoo
Gamankii fardood iyo
Geel istaahil baad tahayee
Gacalo hooyadaa baa
Sumad gaara bixisoo
Mid is gaarsan baad tahay
Guurkoo hagaagiyo
Ducaan kugu galbinayaa
Guleeyso waligaa
Ku nagoow guri ladan


SAGAL

Sida sagalka roobkaan
kuu sahamiyaayoo
Sida safar qof tagay baan
Aduun kuu sugaa wali
i Saluugtay aayaamoo
Iga samirtayaaba
Maynu kala salgaarinee
Sidee baan u qaataa

Fuaadey sadriga iyo
noole saxarba tagin baad
Ku sameysan tahayoo
oonad sina ug go'aynine
I saluugt aayaamoo
Iga samirtayaaba
Maynu kala salgaarinee
Sidee baan u qaataa

DUSHAAN

anoo daaliyo dhib qaba
daruur ii curataa
markii ay igu da'dayna
haraadkii i daayayoo
ku doogsaday baad tahee
dushaydaan kugu sidaa
inaan hawl kuu diriyo
dhib baan kuu diidayaa
xilkaaga anaan isu diray
waxaad doonaysidoo
dunida guudkeeda yaal
dalbo ii sheeg
dushayda, docdayda
kuu alkimee

dookhayga kugu kalsoon
dareenkaad wehel u tahay
dugsaas ii tahay qabow
jacaylkii i daashaday
adigu daawaysatee
dadaal baa abaal gude
nafteyda darajiyo
daryeel kuu yeelatee
xilkaaga anaan isu diray
waxaad doonaysidoo
dunida guudkeeda yaal
dalbo ii sheeg
dushayda, docdayda
kuu alkimee

AMIIN ALLHAYOW

Ma ogtahay adduunyada,
axad baa la taage.
Anigana isniin baa
jaceyl kugu abuurme.
Waxad igu abuurtan,
la adkeysan waaye.
Amaanada ilhey noqo,
kuman ilaawine.

Aamiin alahayow,
wa amaanadade.

ma ogtahay ayaantii
ilmadu kaa da'aysee
indhahaaga qoysaan
inanyahay xasuustoo
Waxad igu abuurtan,
la adkeysan waaye.
Amaanada ilhey noqo,
kuman ilaawine.

Aamiin alahayow,
wa amaanadade.


HANAANKA

hanaanka ilaah ku siiyey
habsami socodka dhaqaaq
hubqaadkaagu waa i diley
hamuun waan kuu qabaa
qalbiga waan kugu hayaa
hideydu waxey ku raacdey
habeen kheyr lagu duceystee

inkastoo wali hibasho helin
amaan saqda dhexe hurdada
hirtaayo la seexan waayey
horteyda markaad timaadee
ee aad ila hadal tidhaahdo
hasaawaha ii bilawdo
xumadii nabarkaa i deysee
halkii bugtaaba bogsataa

LAYDH

hamiga aan i deyneyn
iyo lur iyo caashaqee
afar laba lixiyo toban
iyo labaatan ba ku dhow
ku lugo ay hablaha lagadee
iyo laacibnimadaba
liibaana kama helin
maantana maley lulay
ladhkii ma igu oogsadey
lahankii is ridi jirey
ma isaarey leelaha

war hooy ila dhab weeyaan
iyo laayacnimaduye
lagubiyo leg iyo boqol
iyo tiro kula badan
ku laf jabey hablaha laac
laqankooda deydayoo
iyo loobarnimadaba
maantana maley lulay
ladhkii ma igu oogsadey
lahankii is ridi jirey
ma isaarey leelaha

OORIDII

aynigeed hablaha kacey
inantaan ka doortaay
afar iyo tobnaadiyo
dayaxiyo ileysaay
ubax doog ka baxeyiyo
ramasiyo ugbaadaay
roob aroorya da'ay iyo
ufadiyo mayeygaay
sidii ulaha dhabigii
isla egeey
ixtiraanka hooyadeed
uga eegeey
afgobaadsigii aragtideydu
uma ahee
waa adiga ooridii
absigeyga anfici laheyd

inta adhaxda gaadhiyo
aayar socodka laafyaha
ma geenyo ugubaa
u eega faxaaliga
abwaanadu intey dumar
hore ugu amaaneen
hadey ku arkayaan wey
isla garan lahaayeen
sidii ulaha dhabigii
isla egeey
ixtiraanka hooyadeed
uga eegeey
afgobaadsigii aragtideydu
uma ahee
waa adiga ooridii
absigeyga anfici laheyd

MAFOYOOBI

mafiyoobiyoo cishqibaa
faraqa iigu xidhanoo
fahmo waxey iga jirtaa
meelaanan filaneyn
caashaqu ma fududee
ma fiyoobey iigu iman
mise aniga oo falan
fikir baan la fiiqnahey
awadaa lagu fiirsadayee

salfudeydiyo qalbigeygu
wuxuu filaya mooyee
foorida galawgiyo
ugaadhaan la foofaa
caashaqu ma fududee
ma fiyoobey iigu iman
mise aniga oo falan
fikir baan la fiiqnahey
awadaa lagu fiirsadayee

CAYNABA

tegey ceelashaa bariyo
beryana tagey ceelashaa bariyo
buuhoodle dhaan ka haybsadayoo
biyaha dhurey hiirta caynaboo
berdahaan ku wareegey buurdhaaboo
aan ka baaqey banaanadii hawdoo
biimeyey naftaan bogsiin jirayeey
kaan u jiir go'ayow
waa jacaylkaagee
alla janooy caawadaa
ma jiifsado'e

halabsadayoo
baabuur tegaya halabsadayoo
habeenkii buur usii hoydoo
ka haw idhi hiirtii waaberidoo
hadhkii maalinimo hadey tahayee
galool hadh macaanleh hoos galayoo
halkaana cabaar ku yara hakadoo
sidii haatufkii waxbey ila hadloo
hareerteydii eegayoo hinqadoo
haleeyey hubkaan sitoo idiloo
hayaan hawd tegaya heybsadayoo
hore u soco bey yidhaahdeeno
hagaajey tilmaamey ilinkiiyo
ku soo hirtey hugunkii reeraha
hoosaan u wareystey hoygoodoo
kamaan helin taan u hawl galayee
kaan u jiir go'ayow
waa jacaylkaagee
alla janooy caawadaa
ma jiifsado'e

DADYAW

jaceylbay igu beertayoo
dadyow wey igaga baxdee
barbarkeen u raadiyaa
anigu aan ka baafiyaa

ma boosaasay jirtaa
xagaa baribay jirtaa
ma burciyo shiikhbay jirtaa
buuraha naasay jirtaa
banaadir, kismaayo iyo
ma baay iyo gaday jirtaa

mayee boholaha xargagan
nin xiimaayeey xidhaan
nin duulaayey dabraan


bilan arageeda iyo
bidhaan quruxdeeda wacan
waxay i baday aniga
waxay i bartaa ka daran
waxay i bartay aniga
waxay i badaa ka daran


ma boosaasay jirtaa
xagaa baribay jirtaa
ma burciyo shiikhbay jirtaa
buuraha naasay jirtaa
banaadir, kismaayo iyo
ma baay iyo gaday jirtaa

mayee boholaha xargagan
warhooy boholaha xargagan
nin xiimaayey xiraan
nin duulaayey dabraan
mayee boholaha xargagan
warhooy boholaha xargagan
nin xiimaaayey xiraan
nin duulaayey dabraan
nin duulaayey dabraan

AFAR IYO TOBNAAD

afar iyo tobnaad iyo
dayaxoo habeen baxay
markii aan ku eegaba
abshirow ku moodaa
kuma arag aduunyada
adiga mid kula midee
hadaan uurka lagu sidin
ubaxii baxaayoow
eed kaa timaadiyo
amar eeba mooyee
ifka adigoo nool
kaa ooli maayee
arin maxan ka yeelnaa

hami dhexe habeenkii
anigoo hurdada galay
ooy timid ishaaradu
inagoo aroosee
markii aan ku waayaba
eeri dhaban sideedaan
olol reemayaayoo
ubaxii baxaayoow
eed kaa timaadiyo
amar eeba mooyee
ifka adigoo nool
kaa ooli maayee
arin maxan ka yeelnaa

WAAN KADHAARAN LAHAA

dharaartu maaha habeen
dhaxantu maaha dugsoon
dhereguna feedhahaagaba
ma dhaafee
siduu iigu dhibcaayo
hadaad dhaadi lahayd
waad ka dhaaran lahayd

dheregu maaha culeys
naxdini maaha xanuun
jacayl dhalaa
dhoola tooskii dhirtu
dhito kuu gali maaha
amba dhiil la xanuun
dhuunigana cuni waaye
hadaan dhaafi karaayo
waan ka dhaaranlahaa

NAQA ROOBKA

indhahaygu nuurkiyo
madarkooda aragtida
waxa tahay naq roob
adimadu ku nuuxsado
ma ogoli hintaaqada
ala inuu nabar ku gaadho
alahayow naxliyo
haku badin nasiib xumo
intii nabigu doortee
ka xoroobey naartiyo
noqo ehlu kheyrkoo

niyad sami kalgacalaan
nafta kuugu sidayaa
haygu noqon nasiib adag
adimadu ku nuuxsado
ma ogoli hintaaqada
ala inuu nabar ku gaadho
alahayow naxliyo
haku badin nasiib xumo
intii nabigu doortee
ka xoroobey naartiyo
noqo ehlu kheyrkoo

SAW
uur daacadiyo
indho caashaq qaba
kaan ku eegayoo
saw adiga maaha
inaan kaa agtago
naftu ma ogolee
saw adiga maaha
nolosheyda idil
kaan ku aaminee
ayaaha ka sugi
saw adiga maaha

aynigaygiyo uurkiyo
qalbiga kuu amaanayow
saw adiga maaha
mid ayaan leh baa
aqal kula gashee
saw adiga maaha
nolosheyda idil
kaan ku aaminee
ayaaha ka sugi
saw adiga maaha

WAAN BUKAA

Waan bukaaye caashaqu.
siduu badanka ii galay.
Xanuun igu balaarshoo.
Sow bastay igama dhigin.

Sow iguma sii badan.
kollay tahay biyaha iyo.
Baadkana igama Jarin

Bulsho lama caweeyoo .
Bixidiina ii diid.
Xagu bari xaggani buur.
sow badweyn iguma ridin.

-----------------------

Bal qabsoo sidaydaba.
Naf jacayl kubaahoo.
Beerkiyo wadnahaba.
Inta uu bariisaday.

Waxaan ahay basteedoo.
Barbaar lala boqooliyo.
Beegsanaynin socodoo.

Baaxaadagaysoo.
Babanaysa Kaliyoo.
Xagu bari xaggani buur.
Sow badweyn iguma ridin

wellcom


xamse
xamse
Latest page update: made by xamse , Aug 9 2008, 2:31 AM EDT (about this update About This Update xamse Edited by xamse

1 widget deleted

view changes

- complete history)
Keyword tags: None
More Info: links to this page
There are no threads for this page.  Be the first to start a new thread.