QAYBTII LABAADThis is a featured page

JACEEL DHAWAC GALAY MAXAA LAGU DABIIBAA ? Part 2
Sidaan hore u soo sheegay jacaylku indho malaahan meel aadan filayn ayuu kaa soo galaa waxaadna la kulmeysa wajiyo kala duwan dumarka somaliduna aad ayey u suuro badan yahiin markay arkaan qof u heelan oo dan ka soo gasho waa dabci ay ka wada siman yahiin hadaba maxuu kala kulamay gabadhii raaqiya aheyd iyo kabtan Osmaan Diiceey
Waxaa markhaati madoonta ah in qof wax jecel uusan seexan habeenkii ku dheeraado maskaxdiisuna shaqo badan samayso waxaan ku soo dhacay Kabtan Osman Diicay inuu latashi badan la sameeyo saaxiibadiis waxaanu si toos ah u abaaray saaxiibkiis Ismaaciil Ciiloow isagoo ugu tagay gurigiisa, Ciiloow ayaa hurdad uga soo kacay Osman Diiceey waxaanay u sheekaysteen Si khaas ah wuxuu u sheegay osmaan inay arin jaceyl lasoo daristay kadib Ciiloow wuxuu sitoos ah ugu tilmaamay Gurigey ku nooshahay Raaqiyo wuuna fahmay halkay xaafadu tahay waxaanu Osmaan usheegay Mr Ciilow inay halkaa ku taalo xaafad uu leeyahay abtigiis Sakariye waxaanay isu raaceen Osman Diiceey iyo Ciiloow Xafadii Abti Sakariye oo ay daris ahaayeen Raaqiya.







Ciiloow iyo Osman Diiceey waxay tageen xaafadii waxaa ka furtay gabadh shaqaala ah oo Ay sifiican isugu dheeraayeen Ciiloow waxaanay soo dhawaysay Ciiloow iyo Osman Diicayoo si ba'an loo hayo ileyn jaceel indho malahee waxay fadhiisteen fadhigii sida lagu yaqaanay gabdhaha somaliyeed, Manaal oo guriga shaqaale ka ahayd ayaa waxay keentay cabitaan iyo buskud iyo xooga xalwo ah, waxuu Ciiloow ku bilaabay Manaal Qaraabo salaan isagoo ka waraysanayo xaafada sida lagu yahay cabtaankisana si raaxo leh u cabaayo Manaalna ay si jawi dagan ah ugu jawaabayso ,Hadaba Kabtan Osman Diiceey maxuu qabanayay? xageena laga hayaa? waa aduunyo qofba meel ayaay kaga dhagtaa.
Way iska caday taasi ,Osmaan wuxuu ahaa qof maqane jooga ah wax cabitaan ah iyo buskad ah toona muu isticmaalin waxaanu isku hayay dhabanka iyo gacanta waxaa ku sii dheeranaysay sheekada ay haystaan saxiibkiis Ciiloow iyo Manaal waxaa soo gurmay wakhtigii waxaa u sawirmayay Raaqiyo iyo Qaabka Qurxoon ee ilaahay u sameeyey , waxaa uu Ciiloow u baasay magaca Saxiibkiis Osmaan Diiceey isagoo u furay buug is barasho Manaal sifiican ayaay u soo dhawaysay, wuxay ugu siidartay Manaal aboowe Osmaan waxba maad cunin aniga maad iga xishoonaysaa walaasha camal aan ahay Osmaan intuu ilka cadeeyey ayuu dhahay walaashay waad mahad santahay Ciiloow ayaa isna si kaftan ah ugu tuuray Manaal waxaan kugu nimid inaad arin saxiibkay Osmaan haysata aad wax nagala qabto?
Manaal way aamusatay iyadoo xishood wayn galay arinkana meelkale u leexisay waxay ugu jawaabatay maxuma Ciiloow lakiin hoosta aad iga soo galisay siday wax u jiraan ,waxii aan awoodo waan idinla garab galayaa haduu ilaahay ka dhigo ee sedee wax ujiraan?
Ciiloow- waxaan halkan u nimid aniga Osmaan arin maalmahanba nagu rafanaysay waxaa jirta cidan aad darsika tahiin ayaa arin naga soo galay isagoo hadalka usoo koobaya Ciilow wuxuu dhahay abaayo macaaney Wiilkan Osmaan waa saaxiibkay wuxuu aad u radinayaa una danaynayaa Gabadha Raaqiya ah ee cidan aad dariska tahiin ah maxaad nagala qaban kartaa arinkaas ayaan kuugu nimid meel fiicana wad nooga soo baxday ?
Manaal aad iyo aad ayay u qososhay Waanba naxay waxaan mooday inay aniga arin iga kiin soo gashay waxaan sugayay suaalo badan ayay tiri maxuma aboowe Ciiloow aniga ayaa arinkaa Qayb libaax ka qadanaya iga warsuga.
Maxay kala kulantay Raaqiya Manaal?





LASOCO QAYBTA 3AAD




xamse
xamse
Latest page update: made by xamse , Jun 30 2008, 4:33 AM EDT (about this update About This Update xamse Edited by xamse

551 words added

view changes

- complete history)
Keyword tags: None
More Info: links to this page
There are no threads for this page.  Be the first to start a new thread.