QAYBTII LIXAADThis is a featured page

JACEEL DHAWAC GALAY MAXAA LAGU DABIIBAA ? Part 6
Waa dareen cashaq oo duufaantiisa wata , waa daymo jacayl oo is fiirinaya ,waa xishood horleh iyo barasho cusub oo daaha ka qaadantay , iyo calool bal balaysa oo jawaab sugaysa wakhtigu wuu socon layahay fakar iyo fiiro jaceelna meel ayeey ku sugayaan waa interview cusub oo wajiyo hor le , waa tashaday Osmaan tii ilaahayna meel ayaay talaa , iga baxi Allahayoow caashuqu bad weeye waxaa la soo gaadhay subaxii jimcada jawiga maalintaas waa dagan yahay cirka waxaa xuubka saaray daruur ceer yaanteeda wadata dabayel qaboow ayaa dhacaysa dhulku xili roobaad ayuu u eeg yahay , Osmaan wuxuu qiimayn saaray wajiguu kula kulmi lahaa Raaqiya waxaanu dhexda u xidhay lakulanka cusub ee uu hor fadhiisanayo Raaqiyo, ileen qof aadan oqoon oo jaceel kuu galaa garaadkaaga ayaa kuu heeshee iyo geesinimada aad mu jiso , waxay talo sii gur guurataba aakhirkii waxaa madaxa lala galay xiligii uu balanta lahaa wuxuu isku taagay labis aad uqurxoon oo indhaha soo jiidanaya ileen labisku waa kabadh quruxda qofka dhalinyarda ,waxaanu afka soo saaray dhankaa guriga Manaal ay joogtay wuxuu fiirinayay wakhtiga ay balanta lahaayeen oo aheyd 8:00 fiidnimo waxaa isku soo beegay xiligii ay balan sanaayeen Manaal waxaanu isa soo tagay guriga waxaa kafurtay Manaal waxaanay usoo dhawaysay si heer sare ah iyadoo guriga oo dhan ay ka carfayso isku soo haad ama bukhuurka ay dumarka ku soo jiitaan raga waxaanu usoo gudbay gudaha wuxuu iska fadhiistay kursi gii ay is yaqaaneen ee uu hore u fadhiisan jiray wuxuu hore ka qiimeeyey xaaladda guriga , waxaa u muuqan waysay gabadhii Raaqiya aheed jawigu wuxuu ula muuqday nooc kale waxaa hor yimid Osmaan Su'aalo badan waxaa ka muuqatay wajigiisa cabis iyo xishood dareenka caashaqu waa dhib badan yahay daqiiqado kadib waxaa jikada ka soo baxday Manaal oo sidii la isku yaqaanay sida cabitaan iyo buskud qalabka martida loogu talagalay waxaanay saartay miiska udhow Osmaan afkeeda maykala furin dib ayay u noqotay waxaanay gashay guriga iyadoo hore u dhaaftay jikada wuxuu maqlay cod iyo nux nux aad ayuu u shakiyay dareenkii su wuxuu isku shareeray cirka indhahu way is qaban waayeen dhagahu waa maqal raadis afkiisa cabitaan muusaarin iyo alaabtii loogu talagalay waxaa u baxaya hadal meel dheer ah oo xanshaashaq ah makala saari karo inta qof ee wada hadalaysa lakiin wuu dareensan yahay in meesha lagu badan yahay oday Osmaan wuxuu samro oo sugo dadka nuxnuxda meesha kahaya waxaa soo baxaday Manaal oo gacanta haysa Raaqiyo oo afka garbasaartii ay sidatay saartay sidii qof wajiga qarsanaysa kii xishood ahaane uu indhaha ka saran yahay.

Osmaan waxaa ku yeedhay wiishka Waxaa ku baryay waa cusub waxaa ka lumay kantaroolkii waxaa jidhkiisa oo idil is qabsaday dhidid, dareenkiisa oo dhana wuu aamusay , wuxuu ku war helay Oday Osmaan, salaan Manaal ay iska soo hor marisay ASlaamu calayku warax matu laahi wb , Osmaan fadhiga ayuu ka istaagay waxaanu si cod gaaban ah ku dhahay Wacalayku wasalaam wwbrk waxaanu dib ugu fadhiistay kursigii uu fadhiyaay, daymada Osmaan way is badashay jawiga gurigu aamus ayuu galay, wadanaha Osmaan wuxuu ushaqeenayo si aan caadi aheen wajiigisa naxdin ayaa ka muuqata, waa la wada aamusay sidii film horror ah la shiday xaaladu indhaha ayaay isku qabsatay xishoodkii la yaqaanay ayaa guriga roob ku noqday, waxaa iftiinkiisa shidmay jacayl ,waxaa daaha soo rogay dareen culus afkiibaa juuqda gabay alloow adaa ku tala saartay , hadaba Manaal oo u dhalatay firfircooni ayaa meesha waxay ka furtay barsho horleh , waxaanay hadalka ku biloowday Raaqiyo soo dhawoow wiilkan waa walaalkay waxaana ladhaha Osmaan ,dadkuna waxay ku fiican yihiin aqoonta hadanay aqoon isu lahayn waa lakala xishoonaya ,Osmaan waxaa ka soo fuqay hadalkii mudo daqiiqada ah qalbigiisa ku duugnaa waxaanu si aad soo jiisha uleh ugu celiyaay barasho wanaagasan abaayo magacaygu waa Osmaan Raaqiyo ayaa ka gudoontay si xishood ku dheehan yahay , waxaanu hadalka ku sii daray Manaal aad iyo aad baad ugu mahad santahay abaayo sida sharafta leh aad noo soo dhawaysay , Manaal oo ah qof reer magaal ah oo aad u diyaarsan ayaa waxay goobta ku dhex tuurtay alaab ayaan hooska soo qabsanayaa ee iska sheekeeysta waxaanay u dhaqaaqday dhanka albaabka guriga waxaanay kula sii kaftantay intay sii socotay gurigu waa gurigiina ha is martiyeeynina , Osmaan iyo Raaqiyo goobtaa ayaa ku waynaatay guriga ayaa ku balaadhay kii xishood ahaana weerar ayuu soo qaday kii jaceel ahaana mukeefkiisa qaboowaa ayuu ooda ka soo qaaday waa la isla aamusay , halkaan ka baxaa meel Alle ayay maraysaa xaaladu , xiwaar intee in la eg ah ayaa dhex maray Osmaan iyo Raaqiyo wajigan cusub muxuu noqon doona ?


Allaahu Aclam Bimuraad


Lasoco Q 7aad


xamse
xamse
Latest page update: made by xamse , Jul 3 2008, 2:36 AM EDT (about this update About This Update xamse Edited by xamse


view changes

- complete history)
Keyword tags: None
More Info: links to this page
There are no threads for this page.  Be the first to start a new thread.