QAYBTII SADEXAADThis is a featured page

JACEEL DHAWAC GALAY MAXAA LAGU DABIIBAA ? Part 3



Aqristoow sheekada qeybti labaad ayaa waxa ay inoo joogtay Manaal oo aad iyo aad u qososhay oo tiri Waanba naxay waxaan mooday inay aniga arin iga kiin soo gashay waxaan sugayay suaalo badan ayay tiri maxuma aboowe Ciiloow aniga ayaa arinkaa Qayb libaax ka qadanaya iga warsuga.

Hadaba maxay kala kulantay Raaqiya Manaal? Waa aduunyo qofba cayn u tumaya hore ayaa loo dhahay laba kala bariday kala war la.
Waxaa afka Osmaan diicay ka soo booday abaayo manaal aad baad u mahadsantahay walaaley abaalkaaga waxaan ku godo ma aqaan
Waxa uuna ku sii daray goorma ayaan kaa soo war doonaa baayo waxay ugu jawaabtay aboowe khamiista iga soo wardoona.
Waxaa kurbo wayn ku haysa Osmaan diicey maxaa ka soo yeeri doona Boqorada uu jacaylku kaga wada dhacay ee Miss Raaqiya waxaana ku dheeraatay balanta khamiista ah ee ay manaal u qabatay waxaa wali maskaxdiisa ka guuxaya khamiista ayadoo wakhtigu looqabtay uga badneyd sanooyin uuna dhararaayay in la gaadho khamiista .isagoo ku cel celinaayay dheeraa wakhtigaad soo dhawaysataa waxaa laga soo talaabsaday arbacadii waxaan dhashay subaxii cusbaa ee uu sugayaay ee khamiista,waxaa ka muuqday wajigiisa naxdin wuxuu ahaa qof maqane jooga ah waxaanu xaqiiqa ah inaanu hurda dhan arkin habeenkii la soo dhaafay waxaa Osmaan sugi waayay inta laga gaadhayo 7:00 fiidnimo ee caawa waxaana is waydiinayay maxaa ka soo yeeri doona gabadha Raaqiya aheyd wuxuu ka soomanaa cuntada oo dhan waxaa qofkasta oo arkaa wajigiisa ka akhrisan karayaa in Osmaan uu ku jiro jawi aan caadi aheyn waxaa iska soo gurmay saacadihii waxaa u timid walaashiis oo uu la daganaa aadna u jecleyd kuna taqaanay Osmaan qof sheeko badan oo kaftan badan oo aad iyo aad u fir fircoon waxaanay ku dhahday walaal Osmaan maalmahaan maxaa si kaa ah? ma jirintahay? seedee wax u jiraan? walashiis oo aad iyo aad uga naxday jawiga uu ku jiro Osmaan oo aad uga yaraa iyo xaalada uu ku sugan yahay uma uusan jawaabin walaashiis wuxuu hore ka galay qubays iyo inuu isu diyaariyo inuu usii dhaqaaqo dhanka iyo xaafada ay daganeyd Manaal uu ka sugaayay jawaab iyo waxay kala soo kulantay Raaqiya, wuxuu afka ku sii dhuftay cuna ay u keentay walashiis iyo xooga cabitaan ah waxaan ka soo baxay albaabka gurigiisa isagoo ay kuleyl ku hayso wuxuu sugayay.
Hadaba muxay noqotay jawaabtii uu helay? lasoco qeybta afaraad
LASOCO QAYBTA 4AAD


xamse
xamse
Latest page update: made by xamse , Jun 30 2008, 4:38 AM EDT (about this update About This Update xamse Edited by xamse

4 words added
2 words deleted

view changes

- complete history)
Keyword tags: None
More Info: links to this page
There are no threads for this page.  Be the first to start a new thread.