QAYBTII SHANAADThis is a featured page

JACEEL DHAWAC GALAY MAXAA LAGU DABIIBAA ? Part 5
Waa nasiibka aduunyo waxaa la wada fadhiisatay fadhiga guriga isagoo cabsanayaa ileen Manaal waa kulankoodi 2 laab ee uu gurigan ku kulmaane lakiin wakhtigaas Manaal waxay ugu dhigneed Qof ay inbadan is yaqaaneen siday u usoo dhaweeysay ee raali galinta laheed , Osmaan diicay waa nin aad u xishood badan oo afgaaban wajigiisana ay ka muuqato daacadnimo taas waxaa usii dheer jaceelka lama filaanka ah ee ku soo booday waxaanay Manaal sidii caaddada aheed fadhiga ugu keentay cabitaan, Manaal waxeey uga cudur daartay maqnaanshahii ay guriga ka maqneed waxaanya ka raali galisay Osmaan waanu ka qaatay , waxaanay ka waraysatay sxbkiis Ciilow ,wuxuu ugu jawaay abaayo wuu fiican yahay waan isa soo raaci laheen lakiin waan ka soo wayaay gurigiisa , wuxuuna uga gudbay dantuu ka lahaa Manaal , waxaanu Manaal ku dhahaay abaayo macaaney maxaad iiga haysaa Arinkii aan kuu dirsaday ee Raaqiya, waxay ugu jawaabtay aboowe macaane waxaan kaaga hayaa sheeko ku anfacaysay waxaanay Manaal hadalka ku bilooday sidan . Aboowe waxaan Raaqiyo udiray telifoon waanay iga qabtay salaan gaaban kadib waxaana usheegay in aan arrin ugu baahanay waanay iga aqbashay waxaana Raaqiyo ka soo dhameeyey inay iigu timaaddo guriga habeenka jimacada 7:00 fiidnimo waa hadii ilaahay ka dhigo .







Osmaan wuxuu ku celiyaay hadalkii Manaal, wuxuuna waydiiyaay abaayo macaaney ma u sheegtay inaan anigu ubaahanay? mise wax ma ugu taabtay sheekadayda? mise maku waydiisay dantaadka leedahay adigu? Manaal oo ilka cadaynaysa ugu jawaabtay aboowe dumarka iyo ragu isku mid maahan, hadaan usheego inaad adiga dankaasoo gashay waxii doona ayaay uqaadan kartaa, lakiin waxaan usheegay inaan sheeko uhayo markaa habeen danbe lee inaga xigta hadii aynu gaarno , waxaan rabaa inaan si lama filaan ah kuugu keeno , waayo sida laguu hayo adigaa ayaa yaqaano waxaan ka baqay aboowe inaan wax kaa haleeyo anigu rabo inaan ku caawiyo sidaa darteed waxaan go'aan ku gaadhay inaad adigu afkaaga uga caano maasho siday kuula muuqtaa Osmaan aboowe? Osmaan waxaa ka fuqday falaadhii ku taagneed aheed maxay kuu sidaa ee fariin ah Manaal .waxaana u soo baxaday jawaab ah inuu la kulmi doono Raaqiyo , waxaanu Manaal ku dhahay abaayo macaaney aad ayaad u mahad santahay halkaad ka fakarayso waa meel aad u fog aniga caafimaadkayga ayaa ku jira inaan arko Raaqiyo afkaygana ku sheegto jaceelkayga ihaya ,
dhagahayguna ay maqlaan waxaa ka soo yeera Raaqiyo indhahayguna ay ii duubaan jamaalka quuxoon ee ilaahay siiyaay waanad mahad santahay walashay ,madheera jimcadu cawa waa khiimiis jimco ku socota waxaanu Osmaan si raaxo leh ku cabay cabitaankii ay Manaal u keentay isagoo hore ka galay jawi degan
intuu goobta fadhiyaay Manaal wax yar uga taabtau siduu ku arkay Raaqiyo , intuu sheekada waday waxaa wajigiisa ka muuqatay farxada wuxuu soo afjaray sheekadii, waayo wakhtugu waa xili habeen ah oo ku sii dhoow 11:30 kii fiidnimo waxaan meesha ku sii macasalaameey Manaal,
wuxuu ku celiyeey Meeqa saac aan kuu imaada habeenka jimcada abaayo ,manaal waxaa dhahday aboowe 8:00 fiidnimo ii imoow waxaana kuu rajay naa khar aboowe sidii ayuu ku soo baxay Osmaan waxaawa jigiisa ka muuqta rajo fiican
waxaanu qalbigiisa ku tagaan Raaqiyo oo hortaada soo fadhiisata xagee hadal ugu bilaabi doontaa hadal , maxayse u qadan doontaa kulankaagan qarsoodiga ah, miyaay kaa boodi doontaa mise way ku farxi doontaa ,sikastaba ha uqaadato waa gabadh gayaanka ah afkaagu yuu ku ciilin ayuu ku faataxaysatay,
Osmaan waxaanu hore ka soo aaday gurigiisa si u seexdo una saxo firimisoonkuu la ciyaari lahaa Raaqiyo waxaana naftiisu usheegtay osmaan inuu waxaba ula hadhi doonin hadaba maxaa kala haysta Osmaan iyo Raaqiyo sama fiinalka 8 :00 fiidnimo ee jimcada
lasoco qaybta lixaad..


xamse
xamse
Latest page update: made by xamse , Jul 3 2008, 2:24 AM EDT (about this update About This Update xamse Edited by xamse


view changes

- complete history)
Keyword tags: None
More Info: links to this page
There are no threads for this page.  Be the first to start a new thread.