Habaar sow isheeydu maqabtoo iyadu iimay horseedin . halistu so afkayg mahoo intaa ku hadaa qimaayo , Osmaan waxaa naftiisa la sheekaysto oo maskaxdiisa mashquliyo waxaa la soo gaaray maalinkii danbe .wuxuu fiirinayaya wakhtiga ay balamisay Manaal oo aad ugu daddaalleysay siduu gacanta ugu dhigi lahaa Raaqiya .Manaal waxay aad ula tacajabatay sida daran ee jaceelku u hayo Osmaan iyo sida uu u qiimaynayo una qadarinayo jaceelka uu uqabo Raaqiyo , ileen qalbi jaceelgalo ma quustee , wuxuu afka saaray gurigii naftiisu bartay waxaanu intuu jidka ku jiray ku soo hadaaqaayeey , geeraar googoos ah Naftan hibashadeediyo maxaa jaceelkan igu diray, Mahungoobo caashaqa la hayaa hareeraha marka lab u heeleni hagyaan sidii Qays iyo laylo iyo qaarkaloo badan Osmaan waxuu soo gurguurtaba wuxuu soo garay gurigiisa jaceelka ee ay joogtay walashiisa aadka qaaliga u ah wuxuu soo garaacay albaabkii guriga waxaa ka furtay Manaal oo farxad ka muuqto wajigeeda .salaan ayuu la gaadhay ,si dagen ayaay uga qaaday , guriga ayuu isku soo tuuray wuxuuna fariistay kurisigii bilaa tacmiirta ahaa ee fadhiga , waxaa loo keenay cabitaankii iyo galaasyadii uu yaqaaney . Wuxuu diiradda saaray guriga , waxaa uga dhex muuqatey Raaqiyo inkasata uusan arkin haddana qalbigisa ayaa iska jecel ineey Raaqiyo guriga joogto, waxaana iska cad ineey wax ku taagan yahiin , waxaana dareenka ku dhaliyaay siduu jawigu u dagenaa, wuxuu cabaar fadhiyo oo cabitaanka si murugo leh u cabo waxaa silama filaan ah qolka uga soo baxaday Raaqiya oo qurux la tiicaysa oo aad u labisan daganaanta ay u socoto tacajab uu ku dilaayo al qurux badanaa dumarkeenu mayray diraca cadaanka sitaan ilaahoow noo dhaaf , Raaqiyo waxaay isku soo jabisay qalbka isku soo haadka ee aadka u carfoon ee ay dumarku raga ku soo jiitaan , guraga waxaa ku shidan makuufkii qaboobaa ee jaceelka, Manaal Qolkeeda kama soo bixin waa bilaa qalindaar goobtu waa goob jaceel, Osmaan waa naf wax jecel waxaa ku ceshoomay hadalkii waxay ku noqotay mufaajaco kamuu fileeyn Raaqiya goobta waa kadis jaceel iyo fareero caashaq fiidna waa la joogaa ,intaysan hadalin ayuu booday oo istaagy waxaana Raaqiyo afkeeda ka soo baxay dhagahiisuna aad ugu raaxeesteen salaantii macaanka baddan ay Qalbigiisa ku dhex tuuray !!!!!! Aboowe Cismaan Qalbigaa ku salaamay !!!!!!!! OSmaan Abaayo Raaqiyo Fayoobi lagaaga Qaad ………Waxaay Raaqiyo gacanta ku siday Haddyadd Bushqad ku jirta Mayaqaano wax ku jira gacanta ayaay u soo taagtay ayadoo raaciysa aboowe macaaney waa had yad aan kugu tala galay , waa la isla fadhiistay , waa la isku soo dhawaadey Qofba Qofka ka kale ayuu ku maqan yahay indhaha la isma siinkaro daaddkii jaceeylka ayaa la dhex fadhiyaa . Osmaan wuu is celin waayeey waxaa ku soo maaxatay murtidan dareenka xanbaarsan xaaladu way cakirntahay waxaan qalbigiisa ka buutacay isagoo hoos fiirinaaya