SAWIRADA MUJAAHIDIINTA SNMThis is a featured page

mujaahidinta somaliland oo uu idiinsoo uruuriyey http://www.bilkhayr.wetpaint.com

SNM DIID WAA SOMALILAND DIID
SAWIRADA MUJAAHIDIINTA SNM - bilkhayr internet and service

Maxaa dhiigu ugu kacaa markay SNM baa shirysa maqlaan, Madaxda Maamulka Somaliland, gaar ahaan Madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo Wasiirkiisa maaliyaddu?.

Maxay SNM u mahadin waayeen madaxda maamulka Riyaale ee ay difaaca ugu jiraan taariikhdoodii madoobayd ee ay kaalinta firfircoon kaga jireen xasuuqii iyo digo-xaadh marintii bulshada reer Somaliland? Si su'aalaha kor ku xusan iyo taariikhda runta ah ee sugan loogu gudbo waa in ugu horeyntii, Madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo Wasiiradiisu mahadiyaan guusha SNM ay dib ugu soo celisay dalkeenna Somaliland ee ku milmay taliskii dooxatada ahaa ee Somalia. Mida labaad waa inay niyadooda u sii daayaan bartaanna in SNM dhashay Somaliland, milyan badhkii dad ahina u shahiideen, ururkuna ku leeyahay bulshadiisa reer Somaliland sharaf, mudnaansiin iyo abaal marin. Waxaan casharka koowaad idiinku sheegayaa in SNM aanay cidna marti uga ahayn qaabkay u shirayso. Madaxweyne adiga iyo inta ku hoos timaadaa ee aan maalin u soo dhididin halgankii Somaliland, waxaan idin xusuusinayaa in SNM ay tahay ururkii ka dhigay dadka Somaliland gob iyagoo la gumeeyey siduu doonona uu u shiri karo. Sidaas darteed SNM DIID WAA SOMALILAND DIID. Waxa si gaar ah oo aan baryootan lahayn loogu sheegayaa Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa riyada ku nool. Kuwaasoo ku sifoobay arimo ay ka mid yihiin: · Cabudhinta shirarka iyo horumarka SNM · Maamuus ka xayuubinta madaxdii halgamayaasha SNM sida Hogaamiyihii ugu mudada dheeraa Halganka SNM. Axmed Maxamed Siilaanyo oo shakhsiyad dilkiisa ay ku takhasuseen. · Qaraabo kiil iyo dhulboob toos ah oo ay ka wadaan magaalo madaxyada Somaliland siiba bariga Berbera arintan oo cadaymohoodii looga hayo. In ay karaamadda SNM iyo madaxdii soo hogaaminaysay dhowraan, ka dambeeyaan si gaar ahna u sharfaan oo ay siiyaan maqaamka ay ku leeyihiin bulshada Somaliland ee iyagoo gun ah gob ka dhigay. Ugu dambayntii, waxa loo sheegayaa madaxdan sebenku keenay ee loo ilduufay, in SNM ay weli gaadh ka hayso Somaliland oo ilmahay dhashay ah, shirina karto marka ay doonto kuna shiri karto meeshay doonto si ay u qiimayso xaaladaha dhaqaale, siyaasadeed, horumarineed iyo nabadgelyo ee Somaliland. Fiiro gaar ah: Maadaama gurigiinnu uu quraarad yahay, waxaa la idiinka digayaa inaad SNM shirkeeda dhagax ku soo shiidaan. Gunanaad: Waxaad milicsataan sawir ka mid ah sawiradii halgamayaasha SNM oo ina xusuusinaya sida SNM ay u tahay aabaha iyo hooyada dhalay dib ula soo noqoshada Jamhuuriyadda Somaliland ee labaad.




SAWIRADA MUJAAHIDIINTA SNM - bilkhayr internet and service Mujaahidiinta SNM SAWIRADA MUJAAHIDIINTA SNM - bilkhayr internet and service

SAWIRADA MUJAAHIDIINTA SNM - bilkhayr internet and service


xamse baashe
ilac02@hotmail.com


xamse
xamse
Latest page update: made by xamse , May 30 2008, 1:07 PM EDT (about this update About This Update xamse Edited by xamse

2 words added
3 images added

view changes

- complete history)
Keyword tags: None
More Info: links to this page
There are no threads for this page.  Be the first to start a new thread.
GIF Image yuusuf27.gif (GIF Image - 27k)
posted by xamse   May 30 2008, 2:11 PM EDT
This attachment has no description.